Imtixaanka Masterka oo markii ugu horaysay ka qabsoomay magaalada Kismaayo

Jaamacada Hope oo dalka guud ahaantii ka hirgalisay waxbarshada sare ee Masterka iyadoo kaashanaysa Jaamacada Kampala ee dalka Ugandha ay u suura galisay ardayda Master-ka ee ka soo jeeda Jubooyinka in ay Imtixaanka ku galaan magaalada Kismaayo halkii ay safar usoo gali lahaayeen, talaabadan mid la mid ah ayay Jaamacada Hope horay uga hirgalisay magaalooyinka Hargaysa, Garawe, iyo Muqdisho..

Ardayda ka soo jeeda Jubbooyinka ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay dadaalka ay Jaamacada Hope ku bixisay in ay waxbarshadooda helaan iyagoo jooga hoygooda, imtixaankuna ka dhaco isla deegaanka ay joogaan… waxaana ay mahadnaq iyo boogaadin usoo jeediyeen Maamulka Jaamacada oo uu matalayay Prof.Maxamuud Sh.Axmed oo hawsha imtixaanka u joogay Kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *