Qoysas badan oo ka soo hayaamay deegaanada ay abaaruhu aafeeyeen ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho.. 250 ka qoys ee Jaamacadda Hope gacanta ufidisay ayaa ka mid ah barakacayaal dhawaan soo gaaray degmada Kaxdda waxaana ka muuqatay diif iyo rafaad ka soo gaaray abaarihii.
Gudoomiyaha degmada Kaxdda Muddane Maxmed Ismaaciil ayaa qaybinta gargaarka iyo sugista amniga kaalin wanaagsan ka qaatay..mahad naq balaarana usoo jeediyay Jaamacadda iyo ardaydeeda
Gargaarkan ayaa ahaa mid isugu jiray raashin, dhar, daawo iyadoo dadkii loo qaybiyay ay ku farxeen