Maanta oo ay taariikhdu tahay Axada 16/4/2017 waxaa lagu qabtay
Hotel-ka SYL ee magaalada Muqdisho xaflad qiimo badan oo Shahaaddooyin lagu gudoonsiisey ku dhawaad 300 oo arday oo ka qalin jabiyey Jaamacadda Hope.
Ardayda ayaa dhameysatey shahaadada heerka kawaad ee jaamacadda iyo shahaadada Master-ka,
Kana qalin jabiyey kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada sida:-
1- Caafimaadka guud( Public Health) 2- Caafimaadka 3-Ummulisooyinka
4- Xiriirka Caalamiga iyo Dublamaasiyadda 5- Maamulka iyo Maareynta.
Waxaa xaflada ka soo qeyb galay gudoomiyaha golaha shacabka
Prof. Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Mudane / Faysal Cumar Guuleed iyo marti sharaf badan
Gudoomiyaha Jaamacadda Prof. Njiib Sh.C/kariin ayaa hadal qiimo badan ka soo jeediyey xafladda oo ka koobnaa dardaaran iyo wacyi galin
Ardayda Jaamacadda Hope ayaa soo bandhigay heeso gubaabo iyo wacyi galin isugu jira kuna farxeen ka soo qeyb galayaashii xaflada