Maanta oo ay Taariikhdu tahay 28 (28/04/2 019 aya xaflad qalinjabin ah jaamicadda Hope ugu qabatay ardeydeeda sanadkan qalinjabineysey.
Munaasadan waxa loo qabtay arday dhameysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Hope kuwaas oo iskugu jiray kuwa dhameystay shahaada koowaad ee jamacada ( Bachelor Degree) iyo kuwa dhameystay waxbarashada sare ee Master-ka ayaa maanta lagu qabtayhotel SYL ee caasimadda Muqdisho.
Prof Najiib Sheekh Cabdulkariim oo ah Gudoomiyaha guud ee Jaamacadda Hope oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ardayda waxaa uu ku booriyay in ay dalka horumar ku soo kordhiyaan ,isagoo sidoo kalena xusay in ay bilaabeen qabashadda Arajiadda shahaadada sare ee PhD ay dalka Keentay Jaamacadda Hope.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay madax sare sida Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee BFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad , xubno ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo siyaasiyiin. Waxa kale oo ka hadla wakiilada arday. Ardeyda maanta qalinjabineysay waxa weheliyey waalidiin iyo marti sharaf kale oo la casumay.
Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad, xildhibano, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare Axmed Yuusuf Xasan oo Munaasabada ka hadlay ayaa Hambalyo u jeediyay Ardayda waxa uu na kula dar daarmay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan horumarinta dalka iyo dadkiisa.
“Horumarinta waxbarashada waa mid muhiimad u leh ardayda Soomaaliyeed ka Wasaaradda ahaan waxaan naga go,an in la helo Arday Aqoontoodu sareyso”
Siidaas waxaa yiri Agaasimaha Guud Mudane Axmad Xasan.